Puntland oo hawada ka celisay Diyaarad ay la socotay Ku-simaha Madaxweynaha iyo Xiisad…

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goordhaw maamulka Puntland hawada ka celiyeen diyaarad ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Diyaarad ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha Xil.Sacdiya Xaaji Yaasiin ayaa laga celiyay garoonka Boosaaso loona diiday in ay soo degto, waxaana diyaarada sidoo kale la socday wasiiro iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada hawada laga celiyay ee la socotay guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka ayaa waxaa saarnaa gar gaar bini’aadanimo oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha saameeyeen.

Lama oga sababta keentay in Puntland hawadeeda ka celiso diyaarada ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha oo kasoo jeeda deegaanada Puntland, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland.

Dhinaca kale xiisad ayaa laga soo sheegayaa aaga garoonka diyaaradaha Boosaaso oo u dhaxeysa ciidamo kawada tirsan Puntland kuwaa oo qaarkood diideen in diyaarada madaxda la socdaan soo degto iyo kuwa taageersanaa in diyaarada soo degto.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -