Maxay ka wada hadleen Gudoomiyaha aqalka sare & Mrs. Pramila Patten (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga Pramila Patten oo booqasho ku timid dalka

Waxaa kulanka ku sugnaa Guddoomiye ku-xigeenka Labaad golaha aqalka sare, Guddiga Garsoorka, arrimaha diinta owqaafta iyo xuquuqul insaanka haweenka iyo caruurta golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka markuu soo gabegaboobay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Senator Samsam Ibraahin Cali oo ka mid ah guddiga xuquuql insaanka golaha aqalka sare oo sheegtay in wafdiga ay hoggaaminaysay Pramila Patten ay wada qaateen kulan, islamarkaana ay isla meel dhigeen ka hor-tagga dembiyada jinsiga la xiriira.

Wafdigaan ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda dalka iyo Hay’addaha ka shaqeeya Xaquuqul Insaanka ee ka howlgala Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -