Sawir Farshaxan laga sameeyay Masaajid oo lagu iibsaday lacag Waali ah !!

Suuq Xaraash oo kuyaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa lagu iibiyay lacag waali ah sawir gacmeed Masaajid uu sameeyay Ra”isul Wasaarihii hore ee Britain, Sir Winston Churc.

Sawir Gacmeedkan laga sameeyay Masaajidka Koutoubia ee kuyaala dalka Marocco, ayaa waxaa laheyd oo iska iibisay atiirashada caanka ah Angelina Jolie, oo dhoor sano kahor iibsatay hadana ka heshay faa’iido badan.

Suuqa Xaraashka ee Christie oo la geeyay sawirkan ayaa lagu iibsaday lacag ka badan intii horey loo filayay, waxaana Sawirkan ruux aan magaciisa la shaacin ku iibsaday lacag gaareysa 7-Milyan oo dollar halka horey loogu qiimeeyay sawirka £1.5 ilaa £2.5m.

Sawirkan lacagta waalida ah lagu iibsaday ayaa ka muuqda  masjidka Koutoubia,  waxaana sawirkan  lagu sameeyay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Ra”isul Wasaarihii hore ee Britain, Sir Winston Churc, ayaa ahaa farshaxamiiste caan ka noqday dunida, waxa uuna farshaxanka bilaabay isaga oo 40-sano jir ah, sawirro badan uu ninkan sameeyay ayaana lagu iibsaday lacago aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -