Al Shabaab oo Goob fagaare ah ku toogatay Shan nin oo ay eedeeyeen (Akhriso Magacyada)

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ku toogtay shan nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis ama sirdoon la shaqeeya Sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan CIA.

Fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay waxaa ku sugnaa dadweyne badan oo isugu soo baxay sidii ay u daawan lahaayeen dilka ragan lagu fulinayay, waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaana ku eedeesay ragan xukunka dilka ah lagu fuliyay in ay la shaqeenayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA ayna hagayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee duqeymaha fuliya.

Halkan ka Akhriso Magacyada Shanta nin ee la toogtay.

 Hoos ka akhriso magacyada Jawaasiista lagu dilay Jubbada dhexe

1- Abuukar Xasan Maxamed oo 32 Sano jir ahaa
2- Mahad C/qaadir Aadan oo ku magaca dheeraa Mahad Qaadoole oo 21 sana jir ahaa
3-Xasan Maxamuud Maxamed { Xasan dheere } oo 29 sana jir ahaa
4- Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo 34 Sano jir ahaa
5-Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo 63 Sano jir ahaa
Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa sirdoono caalami ah iyo kuwa dowlada Soomaaliya, waxaana dadkaasi inta badan laga qabtay deegaanada Al Shabaab joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -