Boqortooyada Sacuudiga oo mar kale qaadday talaabo ka farxisay haweenka dalkaas

Sacuudiga ayaa sheegtay in makhaayadaha cuntada aan hadda ka dib lagu qasbi doonin in ay albaabo kala duwan u sameeyaan ragga iyo dumarka.

Waayadii hore waxay ahayd waajib in makhayaayaduhu lahaadaan laba kadin oo mid dumarka iyo qoysaska u gaar yahay mid kalena ragga keligood socda.

Arrintan ayaa beryahan fududaanaysay iyada oo makhaayadaha, gooba lagu qaxweeyo iyo meelaha kale ee bulshadu ku kulantaba aan kala soocidda ragga iyo dumarku kaba jirin.

Isbedellada waawayn ee Sucuudiga ka socda waxa hareer socda caburin sii kordhaysa oo ciddii ka soo horjeedsata boqortooyada lagu xirxiro.

Sacuudiga ayaa horey ugu ogolaaday haweenka iney muxrim la’aan u safri karaan dibeda, iney gaadiidka kaxeyn karaan iyo arrimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -