Somalia: Dad fara badan oo 24 saac gudahood laga helay cudurka Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee 24 saac ee u dambeeyay laga heley dalka.

Waxaa cudurka laga heay 266 qof iyadoo 1,807 la baaray, gobolka Banaadir ayaa ah gobolka ugu badan ee kiisaska cudurka laga heley taasoo oo ah 141 kiis.

Puntland ayaa sidoo kale laga heley 88 kiis oo cudurka Corona ah, halka 25 kiis laga diiwaan geliyay Somaliland, iyadoo 8 qof xanuunka u dhinteen 24 saac gudahood

Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa maraysa 7,257 kiis oo ay ku jiraan 3,808 oo cudurka ka bogsooday iyo 239 oo u dhimatay cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -