Faah Faahin buuxda oo laga bixiyay Sida uu u dhacay dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta bilowday dhageysiga kiiska dilka Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdikariin Dhegajuun oo horaantii sanadkan magaalada Muqdisho ku dileen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo xiligaasi la socday howlgalka booliiska dilka geestay ayaa maxkamada horteeda faah faahin badan uga bixiyay sida uu u dhacay dilka Gudoomiyihii degmada Hodan.

Taliyaha waxa uu sheegay in abaara saacadu markii ay aheyd 11:00 Habeenimo iyo wax la jira uu soo wacay Taliyaha Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed uuna u sheegay in ay soo galayaan gawaari sida waxyaabaha maanka dooriya, basle uu la wadaagay Taliyihii qeybta Booliska ee xilka laga qaaday Saadaq Cumar Xasan, isla markaana uu amray in dhamaan baraha Koontrool Ciidamada jooga heegan la geliyo si aysan gawaarida uga soo gudbin.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu u tegay Taliyihii Booliska Hodan oo uu wehlinayay Taliyaha Booliska Waaberi uuna weeydiiyay sida uu howlgalka u dhacayo, isla markaana uu u sheegay in uu hayo xog ku saabsan gawaarida maandooriyaha sida horayna howlgalkaas oo kale ay fuliyeen.

“ Taliyaha Booliska Howl-wadag wuxuu igu yiri Akhbaar fiican ayaan ka hayaa Gawaarida Maandooriyaha sida ee yaan isla wada dhafrin aniga kaligeey ayaa ku fulin, intaasi kadib aniga oo kormeer ku jira ayaan maqlay rasaasta dhaceysa, kadib wuxuu igu soo wargeliyay in gaari ay is rasaaseeyeen dibna uu u laabtay, waxaana weydiiyay in uu khasaaro jiro, wuxuuna igu yiri ma faah faahin karo, balse markii aan goobta tegay waxaan arkay dhimashada Guddoomiyihii degmada Hodan iyo dhaawac dad kale ayuu yiri” Taliyaha.

Dilka Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa waxaa u xiran saraakiil katirsan ciidanka booliiska iyo askar, waxaana la filayaa marka dhageysiga kiiskan dhamaado xukun lagu rido dadka lagu helo in dilkaasi ka dambeeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -