Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya

Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in kulan xasaasi ah la qaato Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ee fadhigoodu yahay Hotelka Jaziira.

Kulanka ayaa labada dhinac la filayaa in ay uga wada hadlaan xoojinta heshiiskii is afgaradka ee dhawaan dhax maray iyo sidoo kale khilaafka wali ka taagan hanaanka loo marayo doorashada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulanka dhax maraya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta uga hadli doonaan sidii loo qaban lahaa banaan baxii la baajiyay ee dhawaan lagu heshiiyay in 10-maalin gudahood ku dhaco.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada, waxaana la filayaa in dhawaan iclaamiyo shir la filayo in ay qeyb ka noqdaan Musharaxiinta iyo Maamul goboleedyada.

Midowga Musharaxiinta ayaa joojiyay abaabulka banaan baxyo waa weyn oo la filayay in ay ka dhigaan magaalada Muqdisho kadib markii Heshiis arintaasi kala galeen Ra’isul Wasaare Rooble oo u  balan qaaday in loo ogolaanayo banaan bax si nabdoon ku dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -