Qatar oo wada Qorshayaal badan oo halis ku ah Soomaaliya Mustaqbalka dhow !!

Ma ahan wax qarsoon in Dowladda Qatar ay balaarineyso saameynta ay ku leedahay dalalka deriska la’ah, Soomaaliyana waa meelaha ugu weyn ee Bartilmaameedka u ah, waxaana Qatar ay qorsheysay sidii ay kula wareegi laheyd mamulka Xeebaha Soomaaliya.

Si Qatar ay u gaarto barnamijkeedan Siyaasadeed, waxaa lagu eedeeyay in ay teegeero siineyso hay’ado argagixiso, waxaana hadda dalka ku soobatay weerarada ay geystaan kooxda Daacish oo markii hore ahaa kuwa gabaad iyo dhuumaaleysi ku jira.

Dowladda Qatar ayaa marka hore waxa ay wiiqeysaa awoodda Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed, intaa kadib waxaa si sahlan ay kula wareegi doontaa maamulka hay’adaha Dowladda ugu dambeyna waxeey gacanta ku dhigeysaa xeebaha Soomaaliyeed oo ku dhiriran badda Cas.

Hadda Qatar waxeey dowladda Soomaaliya ku cadaadineysaa in lagu soo wareejiyo dakadda Magaalada Muqdisho, saldhig military ayeyna u badali doontaa iyadoo  marmarsiyo ka dhiganeysa horumarinta iyo maali gelinta dalka.

Walaac badan ayaa laga qabaa in arimahan laga dhaadhicyo Soomaaliya islamarkaana ay Madaxda dalka aqbalaan, sida dhabta ah waxaa soo ifbaxaya Saameynta siyaasadeed ee Qatar ku leedahay Soomaaliya, Booqashadii dhawaan Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu ku tagay dalka Qatar waxa ay dhalisay shaki badan iyo su’aalo kala duwan oo la iska weydiiyay kulanka Amiirka Qatar Iyo Maaxweynaha Soomaaliya dhexmaray.

Balanqaadyada Qatar ee mashariicda dalka oo wali aan hergelin, ayaa waxa ay yihiin kuwa leh ujeedooyin siyaasadeed oo looga faa’ideysanayo Soomaaliya.

Dad badan oo falanqeeya Siyaasadda ayaa sheegaya In Qatar ay soomaaliya ka dhigi rabto sida dalka Afghanistan oo ciidamo shisheye iyo faragalin siyaasadeed ku waari doono.

Qatar ayaa lagu eedeeyaa iney falal amniga liidk ku ah ka wado dalalk bariga dhaxe iyadoo la sheegay ineey taageerto argagixisada.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

E-mail: Abdiazizh99@gmail.com

Xigasho: thecrystaleyes

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Londom-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -