Wasiir caan ah oo taageeray dibed-baxa Mucaaradku ku baaqeen Jimcaha

Wasiirka amniga Maamulka Galmudug, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Axmed Macalin Fiqi ayaa si cad u taageeray banaanbaxa mucaaradka DF ku baaqee in Jimcaha lagu qabto magaalada Muqdisho.

Inkastoo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Madaxweyne Qoor-qoor uu taageersan yahay DF haddana Wasiir Fiqi ayaa u muuqda inuu weli la heysto saaxiibadiis hore ee mucaaradsan Farmaajo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIR FIQI

Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?!.!

Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?!

Intaas waxaa sii dheer in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabadgalyo ah muwaadiniintu ay qabsan karaan!

Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan.

Dabacsanaantaada maantay waa Keydkaada berito.

AXMED MACALIN FIQI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -