Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiskii dhexmaray Rooble & Mucaaradka

Madaxtooyada Somalia ayaa goor dhow War-saxaafadeed ka soo saartay heshiiskii hodhaca ahaa ee xalay dhexmaray RW Xukuumada iyo midowga Musharaxiinta.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KA SOO BAXAY VILLA SOMALIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdirashiid Janan oo Shaaciyay in Gedo u tagay si uu u fuliyo Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Milateriga Myanmar oo ku kacay fal argagax leh & Mareykanka oo ka qeyliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya kaliya ayey ka dhici kartaa Siyaasadan layaabka leh !! (Bal Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---