DF oo go’aan ka soo saartay banaanbaxa ay Mucaaradku ku baaqeen Jimcaha

Wasiirka Amniga gudaha Somalia Xassan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in DF joojisay joojiyay bannaanbax nooca walba oo uu yahay, isagoo sabab uga dhigay amniga iyo ka hortaga Cudurka Corona.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay xarunta Wasaarada warfaafinta Somalia, isagoo uu wehliyo wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.

“Bannaanbax guud ahaan waa la joojiyay ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama looga soo horjeedo ka dib qiimeyn dhinaca amniga iyo Caafimaad oo la sameeyey, Hadii ay dhaceyso in la ogolaado banaanbax waa inay soo baxdaa qiimeyn kale, cudurka oo naga yaraada iyo amniga oo ay wax iska bedelaan, waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku dayey inay xaliyaan arrintaas, waxaana hadda socda wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu ” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Xasan Xundubey.”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Waxaa uu sheegay in mucaaradku haddii ay doonayaan iney fekerkooda iyo aragtooda cabiraan ay ku gudbin karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan.

“Anaga dad banaanbaxayaal uma baahnin warbaahinta idinka ah ayaan u baahanahay, Mucaaradkana idaacadaha iyo warbaahinta ayaa ku filan  si waxa ay sheegi rabaan ay caalamka u gaarsiisaan” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xili musharaxiinta ay shalay ku dhawaaqeen iney maalinta Jimcaha banaanbax kale, ku qabanayaan Fagaaraha daljirka dahsoon, iyadoo banaanbixii ay ku baaqeen Jimcihii hore uu ka fashilmay ka dib markii DF ay carqaldeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -