Wararkii Ugu Dambeeyay Kulankii dhax maray Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaray Wakiilo katirsan Beesha Caalamka uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Wakiilada Beesha Caalamka ay ku jireen Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga ayaa loo galbiyay Madaxtooyada Jubbaland, waxaana halkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana wafdigan kulan albaabada u xirnaayeen kula qaatay Madaxtooyada Jubbaland , waxaana inta badan kulanka looga hadlay khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Sida aan wararka ku helnay Wakiilada beesha caalamka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jubbaland in uu tanaasul sameeyo uuna aqbalo ka qeyb galka shirka uu iclaamiyya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana wakiilada beesha caalamka u sheegay in diyaar u yahay ka qeyb galka shirka isagoona soo bandhigay sharuudo dhoor ah, waxa uuna sheegay in dhinaca Farmaajo aysan wax ka soconeyn uuna shirka noqonayo madadaalis kaliya.

Wakiilada Beesha caalamka ayaana u sheegay Madaxweynaha Jubbaland in laga maar maan tahay in tanaasul la sameeyo si looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashada, waxa ayna sheegeen in ka shaqeenayaan sidii xal loo gaari lahaa.

Kulanka dhax maray Axmed Madoobe iyo Wakiilada beesha caalamka qaarkood waxaa hab maqal Iyo muuqaal ah  kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.

Madaxtooyada Jubbaland war kooban oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in kulanka dhax maray Axmed Madoobe iyo Wakiilada beesha caalamka uu ahaa mid maro dhal ah oo waxyaabo badan la isku fahmay.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa wada dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorasdhada gaar ahaan khilaafka u dhaeeya Madaxweyne Farmaajo iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland oo isbaheysi hoose sameestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -