Madaxweynaha Hirshabelle oo sameeyay Magacaabis hadal heyn badan dhalisay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wareegto uu xalay soo saaray ku magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhaxe iyo Duqa magaalada.

.Wareegtadan ayuuna Cali Guudlaawe mar kale ugu magacaabay Mudane Axmed Meyre Makaraan in uu noqdo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe oo xilkiisa loo raaciyay duqa magaalada oon la cadeyn magaalada ay tahay.

”Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, markuu arkay qodobka 51-aad ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle, Markuu arkay muhiimada ay leedahay in isbedela lagu sameeyo qaab dhismeedka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe si loo dardargaliyo adeegyada bulshada, waxa uu Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada u Magacaabay Mudane Axmed Meyre Makaraan” ayaa lagu yiri wareegtada uu soo saaray Cali Guudlaawe.

Dad badan ayaana isweediiyay waxa ay ka dhigan tahay magacaabistan cusub uu sameeyay madaxweynaha Hirshabelle gaar ahaan xilka cusub uu Axmed Meyre ugu kordhiyay ee ah duqa magaalada aan la magac dhabin mida ay tahay.

Inta badan dadkii ka aragti dhiibtay magacaabistan ayaa madaxweynaha Hirshabelle si weyn ugu dhaliilay magacaabistan ay sheegeen in ay tahy mid jahwareerin ah ,sidoo kale aan xumbaarsaneyn wax micno ah .

Duqa magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabelle ayaa marka loo eego awood qeybsiga beelaha dega gobolkaasi waxaa heesta beesha Gaaljecel, lamana oga ujeedka Cali Guudlaawe ka leeyahay magacaabistan lagu jahwareeray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -