Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Andrew Brain oo la soo taagay Maxkamadda gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta la soo taagay nin u dhashay dalka Ingiriiska laguna magacaabo Andrew Braian Irlam, kadib markii uu muddo lix bilood u xirnaa hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Ninkan ayaa lagu soo oogay dacwad ah khal-khal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo uu ka duuli rabay, waxaana tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2019 lagu hayay xabsiyo kala duwan markii lagu weerarray xabsiga weyn ee Muqdisho.

Xeer ilaalinta ayaa kiiska Andrew Braian Irlam u cuskatay inuu carqaladeeyay nabadgelyadda Garoonka, isagoo aan ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa oo uu ku watay boorso la geeyay xamuulka diyaaradda isagoo u duuli rabay dalka Imaaraadka, waxaana qareenada u doodaya muwaadin Ingiriiska ah ay sheegeen in waxyaabaha lagu qabtay aysan dhalin halis amni oo aysan ahayn waxyaabo qarxa.

Ninkan ayaa ka mid ahaa shaqaale ka tirsanaa shirkadda SKA ee horeu u maamuli jirtay garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Dacwadda oo aan go’aan laga gaarin ayaa la sheegay inay maxkamadda Gobolka banaadir fadhiyo kale ka yeelan doonto maalmaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo ka bad baaday Qorshe Al Shabaab ku dili rabeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo fursado maalgashi usoo bandhigay Ganacsatada Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo ka tanaasushay Mid ka mid ah caqabadihii ku hor gudbanaa doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---