(Sawirro) James Swan iyo Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah ku leh Kismaayo

Wakiilka QM ee James Swan iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

James Swan ayaa haatan madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo wadahadal kula leh Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya xaaladihii ugu dabeeyey ee Somalia iyo sidii xal looga gaari arimaha doorashooyinka Somalia.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uga soo qeyb geli lahaayeen shirka Wadatashiga Muqdisho, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -