Deni oo caawa kashifay arrimo qarsoonaa oo dhexmaray isaga & Farmaajo

Madaxweynaha Puntlaand Saciid Cabdullaahi Dani ayaa caawa si qoto dheer kaga hadlay xaaladihii ay soo wada mareen wada hadaladii dhaxmaray asaga iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo arrimo qarsoonaa oo ku saabsan siyaasada Somalia.

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa hadalkan u jeediyey Bulshada Puntland isagoo si gaar ah diirada u saaray marxaladaha siyaasadeed ee hadda taagan.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu xukunka isku dhejinayo uuna isku dayayo inuu qabto doorasho aan sax aheyn.

Dani ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu u sheegay inuu heysto ciidan diyaar u ah iney difaacaan waxna aysan dhacayn, marka uu xiligu ka dhaco 8 Febraayo.

“Wuu i soo wacay Farmaajo, wuxuuna igu yiri Maxaa dhacay Waa la gaaray 8da Febraayo aaway hawiyihii aad laheyd darbiyada Villa Somalia ayey kaaga soo daadanayaan” ayuu yiri Deni oo caawa si laab furan uga hadlay waxyaabo badan oo dhexmaray isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

“Wuxuu Farmaajo nagu qabsaday markii aan Xamar tagnay, Aniga iyo Axmed Madoobe, maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye anigaad marti i aheydeene… wuxuuna igu yiri, Dadkaasi waa iska qeylinayaan.. Ciidan ayaan heystaa cid wax iga qaadi karta ma jirto” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa uu intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu  markasta sheego inuu tanaasulay, balse arrintaas aysan waxba ka jirin.

“Marka hore wuxuu maraa dariiq xiran oo aysan dhici karin in la maro, marka uu quusto oo uu ogaado ineysan suuragal aheyn maritaanka dariiqaas ayuu yiraahdaa waan tanaasulay, taasina tanaasul laguma sheegi karo” ayuu yiri Deni

“Mar Habeen hore uu i soo wacay  wuxu igu yiri: Heshiiskii 17-ka  Septembar ma ogolaadeene waxaan ogolaaday  markaad i tiri, waan ku dhisayaa” ayuu yiri Saciid Deni oo caawa khudbadiisa ay ka yaabisay dad badan.

Sidoo kale Deni ayaa ku eedeeyey Farmaajo in ciidamadii loogu talo galay iney la dagaalamaan Al-shabaab uu adeegsanayo danihiisa gaarka ah iyo inuu xukunka ku ilaashado.

“Ciidamada Gorgor Haramacad ee la sheego waxa ay ka dagaalameen Dhuusamareeb, Gedo iyo Daljirka Dahsoon, lamana tagi karo Huriwaa iyo Afgooye oo cadowgu joogo” ayuu yiri Deni.

Mar uu ka hadlayey sababta uusan taageerin Farmaajo oo beesha Dooraad ay ku wada abtirsadaan ayuu yiri ” Farmaajo ayaan daaroodnimo ka diiday, Axmed Madoobe-na waxaan ku raacay Soomaalinimo, balse nasiib daro Daaroodnimadii aan ka diiday Farmaajo, waxaa ka yeelay Maamul goboleedyadii Hawiye” ayuu yiri Deni oo caawa hadalkiisa si weyn u qabsaday baraha bulshada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -