Ilhan Cumar oo soo saartay Warbixin aysan ku farxin Xukuumada Abiy Axmed

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan guddiga arimaha dibada ee Congress-ka dowlada Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay si weyn uga hadashay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Itoobiya .

Ilhan Cumar iyo xubno kale oo katirsan guddiga arimaha dibada Koongareeska ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Itoobiya, waxa ayna xubnahan u kuurgaleen xaalada siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan gaar ahaan siyaasiyiin xir xiran iyo arinta Tigrey.

Waxa ay sheegtay Ilhan Cumar in ay aad uga walaacsan tahay siyaasiyiin Oromo ah oo ku jira xabsiyada dowlada kuwaa oo cuntada ka soomay kadib markii loo diiday in ay helaan daryeel caafimaad iyo cadaalada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo” ayay ku tidhi warbixin xafiiskeeda la soo baxday.

Ilhan Cumar ayaa sidoo kale warbixintaa ay soo saartay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.

“Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed waa inuu gargaarka aadamenimo marin u furaa, oo uu ogolaadaa in baadhayeel madax banaaan oo xuquuqa aadanaha aqoon u lihi ay tagaan Tigray si aynu u ogaanno tirada dhabta ah ee gumaadka halkaa laga soo sheegay. Sidoo kale waa inuu qaadaa dhamaan xayiraadda isgaadhsiineed ee saaran oo uu hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ururada xuquuqal insaanka u ogolaadaa in ay la xidhiidhaan shaqaalahooda gobolkaa jooga isla markaana u ogolaadaa dadka ku nool Tigray, oo kuwo badan oo dadka i soo doortay ahi ka mid yihiin, in ay qoysaskooda la xidhiidhaan” ayey tidhi Ilhaan oo dhaliilo u jeedisay xukuumadda Itoobiya.

Hadalkan kasoo yeeray Ilhan Cumar ayaana farxad galin Xukuumada uu hogaamiyo Abiy, waxaana safiirka Itoobiya u jooga Mareykanka oo ka hadlay Warbixintan uu beeniyay waxyaabo badan ay sheegtay Ilhan Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -