Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Muqdisho iyo Cabsi wali jirta

Waxaa saakay degan xaalada Magaalada Muqdisho oo shalay ka dhaceen rabshado iyo is rasaaseyn dhax martay ciidamo kala taabacsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta .

Xaalada Muqdisho ayaana saaka u muuqata mid wax badan ka duwan sida ay aheyd shalay oo jimco ah, waxaa inta badan saakay dib loo furay wadooyinka muhiimka ah ee shalay la xiray, iyadoona ganacsiyada iyo goobaha waxbarashada ay saakay furan yihiin.

Wadooyinka qaar ayaa wali lagu arkayaa ciidamo katirsan dowlada oo amaanka sugaya , mana jiro wax culeesyo ah oo ciidamada kala kulmayaan shacabka isticmaalaya wadooyinka ay joogaan.

Magaalada Muqdisho  gaar ahaan laamiga Makka Al Mukarama ayaa shalay bandow iskiis ah ka jiray, waxaana dadka iyo gaadiidkaba shalay loo diidanaa in ay maraan wadooyinkaasi oo ciidamo badan lasoo dhoobay.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad uga walaacsan iska horimaadyadii dhacay, waxa ayna wali dareen cabsi leh ka muujinayaan abaabulka ay wadaan dhinacyada siyaasada isaga soo horjeeda.

Midowga Musharaxiinta ayaa mar kale ku hanjabay in ay sii wadi doonaan banaan baxyada looga soo horjeedo taliska Farmaajo, waxa ayna taasi cabsi badan kusii beertay dadka degan Muqdisho oo nabada aad u jecel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -