Dowlada Maraykanka oo 28 sano ka dib safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta si rasmi ah dib loo howlgeliyey safaaradda Mareykanka ku lahaa Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto oo sheegay in tallaabada dib loogu aasaasay safaaradda ay dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.” ayuu yiri danjire Yamamoto oo ballan-qaaday in Mareykanka sii wadi doonno inuu saaxiib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in arrintan ay tahay tallaabo kale oo loo qaaday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay Somalia.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -