Antonio Guterres oo ka hadlay Rabshadihii Muqdisho Baaqna u diray Dhinacyada isku haya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa walaac xoogan ka muujiyay rabshadihii gacan ka hadal ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya inay ku dadaalaan xasiloonida ayna ka baaqsadaan isku dhacyo iyo in la abuuro khalalaase .

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobya ayaa dalbaday in la qadariyo xaquuqda dadku u leeyihiin qabashada banaan baxyo nabadeed lagana fogaado in dadka lagu caburiyo aragtidooda.

“Xoghayaha guud wuxuu ku baaqay in la qaddariyo xuquuqda ku saabsan qabashada isu soo bax nabadeed iyo xoriyadda hadalka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Waxa uu sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in si deg deg ah u yeeshaan kulan heshiis looga gaarayo arrimaha doorashada ee lagu muransan yahay.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku boorrinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan wadada loo marayo doorashooyinka qaranka, iyadoo la waafajinayo qaabka doorashada ee 17ka Sebtember.”ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay in Qaramada Midoobya, Midowga Afrika iyo IGAD cambaareeyaan kuna baaqaan in laa fogaado wax kasta oo abuuri kara khalalaase iyo colaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -