Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amar Taliban ku soo rogtay weriyeyaasha reer galbeedka oo dhaqan galay (Sawirro)

Weriyeyaasha reer galbeeka ee ku sugan magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ayaa dhaqan geliyey amar ka soo baxay kooxda Taliban ee qabsatayt dalkaas.

Amarkan oo si gaar ah u saameyneynay dumarka ayaa lagu faray iney qaataan Xijaabka Islaamka, ayna jirkooda asturaan.

Weriyaha CNN uga waranta Kabul Clarissa Ward ayaa la arkayey iyadoo xijaaban oo toos warbixino uga soo direysa jidadka magaaladaas oo ay gaaf wareegayaan xoogaga Taliban.

Taliban oo horey Maraykanku ugu daray liiska argagxisada ayaan wax dhibaato ah u geysaneyn weriyeyaasha reer galbeedka ee warbixinada ka soo diraya meelaha ay joogaan taasoo ay kaga duwan yihiin kooxaha kale ee jihaadiyiinta ah sida Al-shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjire Wadaadi Walad (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Haruuse oo ka hadlay Sababta Keentay In lasoo celiyo Xiriirkii kala dhaxeeyay Cuba

Cabdi Cade

Machadka Damaj Islamic Online oo Bushaaro Muhiim ah u haya Qurbo Joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---