Dibed-baxa Mucaaradka oo khilaaf ka dhex abuuray MW Farmaajo & RW Rooble

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ku kala aragti duwanaaday aragtida la xiriirta banaanbaxa maalinta beri ah ka dhacaya Muqdisho kaasoo ay soo abaabuleen siyaasiyiinta Mucaaradka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow xafiisyada labada masuul ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu soo jeediyay in la ogolaado bannaanbaxaas, dowladduna qaadato doorkeeda sugidda amniga, balse soo jeedintaas waxaa diiday Madaxweynaha.

Waxaa dib loo dhigay war la filayay in laga soo saaro Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa Mowqifka Xukuumadda ee ku aadan bannaanbaxa berri, waxaana labada xafiis ka socda kulamo xasaasi ah oo arintaas ku saabsan.

Ciidamo uu wato Jen Yuusuf Indhacadde ayaa caawa la wareegay taalada daljirka Dahsoon, kuwaasoo taageersan mucaaradka, iyadoo saacado ka hor ay halkaas socod dhoolatus ah ku tageen xubno ka tirsan golaha musharaxiinta.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa degan inkastoo shacabka magaalada ay wadnaha farta ku hayaan iyagoo ka cabsi qaba in banaanbaxa beeri uu sababo isku dhac iyo dagaal aan la saadaalin karin waxa ka dhalan kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

- Advertisement -