Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka DF oo ka dooday xeer cusub oo khuseeya Gobolka Banaadir

Kulanka 6-aad kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa looga hadlayay ka doodista xeerka matalaadda gobolka Banaadir iyo xeerka kuraasta Gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Guddiga wadajirka KMG ah ee sameynta xeerarka dhameystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow ayaa mudanayaasha u sharxay qodobada muhiim ah ee ku jira xeerka matalaadda Gobolka Benaadir iyo xeerka kuraasta Gobolllada Waqooyi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada xeerarkan ku jira, kuwaasi oo qaar ay soo jeediyeen in wax ka badal lagu sameeyo, halka qaarkalena ay soo jeediyeen in fursad loo siiyo soo akhrinta xeerarkan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa xeerkan uu aad muhiim u yahay kulanka kan xiga lagu sii amba qaadi doono ka doodistiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Ruushka dagaalka Ukraine looga dilay 100 kun oo askari?

Caydiid Ali

Al Shabaab oo bur burisay  Isgaarsiinta magaalo kutaala dalka Kenya

admin

Dowlada Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay Qaraxyo lagu laayay arday badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---