Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Eng. Waraabe: “Mudaharaad & Shirib waxba laguma baddalee sheeko kale keena”

Eng. Feysal Cali Waraabe oo ka tirsan asxaabta Mucaaradka Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay banaanbaxa beri musharaxiinta mucaaradku ku baaqeen iney ka dhigayaan Muqdisho Jimcaha beri ah.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Mudaaharaad iyo shirib aaney waxba soo kordhineyn, loona baahan yahay in mucaraadku la yimaadaan qorshe kale.

“Mudaharaad iyo Shirib waxba laguma baddalee sheeko kale keena” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo saxaafada kula hadlayey magaalada Hargeysa.

“Madaxda mucaaradka iyo kuwa kale ee Soomaalida waa iney dhistaan gole badbaado Qaran, maadaama uu waqtigii ka dhacay inankii yaraa ee Madaxweynaha ahaa” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Mucaraadka DF ayaa qorsheynaya iney beri oo JImco ah iney banaanbax weyn ka dhigaan magaalada Muqdisho kaasoo ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

DF ayaa mamnuucday isu-imaatinka dadweynaha, ayadoo ku andacootay ka hortaga faafitaanka cudurka COVID-19 oo haatan soo labo kacleeyey, hase ahaatee madaxda mucaaradka ayaa ku gacan seyray hadalka DF iyagoo ku adkeysanaya iney qaban doonaan banaanbaxaas iyagoo sheegay iney fukin doonaan talaabooyinka loo baahan yahay si looga hortaga cudurka Corona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

DFS oo ka hadashay Colaadaha iyo beegsiga ka bilowday qeybo kamid ah dalka

Cabdi Cade

Wasiirka A/dibeda Kenya oo si jees jees ah uga hadashay Masuuliyiintii laga soo celiyey Nairobi

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo saldhig milatari ku sugan labo maalin (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---