Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Musharaxiin socod dhoolatus ah ku tagay taalada Dajirka Dahsoon (Sawirro)

Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa galabta socod ku tagay taalada dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho oo lagu wado inuu beri ka dhaco mudaaharaad looga soo horjeedo dowlada.

Musharaxiintan oo ay ka mid ahaayeen Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Xasan Cali Khayre, C/raxmaan C/Shakuur iyo xubno kale ayaa socodkooda ka bilaabay Hotelka Naasa Hablood 2 oo kaabiga ku haya taalada dajirka dahsoon.

Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ilaalo xoogan ka hayey socodka musharaxiiinta, kuwaasoo la arkayey iyagoo garab socda ilaa ay ka gaareen taalada dajirka Dahsoon, waxaa sidoo kale socodkaas ka qeyb galay dadweyne aan sidaa u badneyn.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo la wareegay Xarumaha muhiimka ah ee Jigjiga & xiisad ka taagan

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo Muqdisho kusoo laabtay xili xiisad siyaasadeed jirto

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo qaabilay wefdi uu horkacayey Mr. Adam Abdelmoula (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---