Madaxweynihii ugu horeeyey dowlad goboleedyada oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Gelinkii Dambe maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Laftagareen ayaa qeyb-galaya shirka Madaxda dowlada Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee looga Hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada shir ka dhacaya Muqdisho oo mudnaanta lagu siinayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febraayo sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Shirka oo lagu waday inuu maanta furmo ayaan qabsoomo sababo la xiriira madaxda dowlad goboleedyada oo aan soo gaarin Muqdisho, iyadoo Laftagareen uu noqonayo madaxweynihii ugu horeeyey DG ee soo gaara Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -