Ciidamo la wareegay Xarumaha muhiimka ah ee Jigjiga & xiisad ka taagan

Xiisad milateri iyo mid siyaasadeed ayaa ka taagan maanta magaalada jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Itoobiya ayaa la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaas sida xarumaha Baarlamaanka,  Telefishinka ESTV iyo meelo kale.

Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowlad deegaanka Itoobiya ayaa xaqiiijiyay in ciidammada federaalka Itoobiya ay wareegeen xarumihii dawladda islamarkaasna ay khalkhal geliyeen shacabka.

Waxayna mas’uuliyiintani intaasi ku dareen in aanan la ogayn halka uu jiro madaxweynaha dowladda deegaanka Itoobiya.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen tuhuno la xiriira in Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu damacsan yahay inuu ku dhawaaqo madax banaani,isagoo kulan degdeg isugu yeeray Baarlamaanka degaanka.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu ku gacan seyray amar uga yimid dowlada dhexe oo sheegayay inuu deg deg u yimaado magaalada Addis Ababa.

Ciidamada Liyuu Boolis ee hoos-taga maamulka degaanka Soomaalida ee gudaha magaalada Jigjiga ku sugan ayaa laga  cabsi laga qabaa inay isku dhacaan Ciidamada federaalka ee magaaladaa la geeyey, iyadoo shacabka magaalada ay muujinayaan walaac iyo dareen cabsi leh.

Awooddii maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar iyo xiriirkii uu la lahaa dowladda Dhexe ayaa yaraaday tan iyo markii isbedelada siyaasadeed ay ka dhaceen dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -