Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo digniin culus siiyey shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Corona Virus/ Covid-19 oo soo laba kacleeyay.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri” Farriinteydu waxa ay ku socotaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad taxaddar muujisaan oo ka qeyb qaadataan xakameynta iyo ka hortagga cudurkan halista ah”.
Waxa uu kula dardaarmay shacabku inay raacaan talooyinka hay’adaha caafimaadka. “Si aan nafteenna, qoysaskeenna iyo guud ahaan dadkeenna uga badbaadinno xanuunkan, fadlan aan raacno tilmaamaha wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada caafimaadku bixinayaan sida: Fara dhaqashada, Kala fogaanshaha, Xirashaa Mask-ga ama Af-xirka, In qofka isbaaro,haddii uu isku arko astaamaha xanuunka, Joojinta isu imaatinnada iyo kulammada waaweyn iwm”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshadu in ay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan Covid-19, waxa uuna caddeeyay in dowladdu qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo xanuunkan halista ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhibay Ciidanka Danab

Caydiid Ali

Farmaajo oo Shaaciyay in Rooble ku fashilmay Hogaaminta Doorashada Shirna iclaamiyay

Cabdi Cade

James Swan oo cadeeyay in Doorashada Soomaaliya dhici karin kahor 8-da Febraayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---