Somalia: Tirada kiisaska cusub & dhimashada cudurka Coronavirus oo sare u kacday

Warar caawa soo baxay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka laga helay kiisaskii ugu badnaa ee la xiriira cudurka Coronavirus.

Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in maanta oo laga helay dad gaaraya cudurka 100 qof oo ku kala nool Muqdisho iyo dalka intiisa kale.

“Maanta Isniin ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 100 qof kuwaasoo 63 ka mid ah yihiin rag, halka 37 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka qaba Somalia oo dhan ka dhigeysa 5, 373 qof inta laga warqabo” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in 92 ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka ay joogaan Muqdisho, 4 kalena ay ku sugan yihiin Kismaayo, halka 3 ka mid ah ay yihiin reer Baydhabo, iyadoo midka soo harayna laga diiwaan geliyey Hirshabelle.

Wasaarada waxay intaas ku dartay in dad gaaraya 9 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa Muqdisho.

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -