Haween Xaamilo ah oo saakay lagu dilay Degmada Dayniile (Daawo Sawirro)

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen sadex haween ah halka ay si dirqi ah uga baxsatay haweeney kale oo la socotay kuwa la dilay.,

Sida aan wararka ku helnay haweenkan ayaa la weeraray xili ay doonayeen in mooto bajaaj u raacaan goob ay ka shaqeeyaan, waxaana haweenkan laga toogtay qaarka sare ee jirka gaar ahaan Madaxaxa .

Haweenka la dilay ayaa labo kamid ah la sheegay in ay ahaayeen Walaalo xaamilo ,halka mida sedexaad iyana aheyd Dumaashidood oo iyana xaamilo aheyd,   waxaana magacyada haweenkan la dilay lagu soo koobay Faadumo, Fartuun iyo Meymuun.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada maamulka degmada Dayniile ayaa markii dambe gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidamada ka qaadeen meydadka haweenka la dilay iyo dhaawacyada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haweenka la dilay ay ka shaqeenayeen Wasaarada Gaashaandhiga gaar ahaan qeybta nadaafada, haweenkan ayaana subax kasta mooto kasoo raaci jiray goobta saakay lagu beegsaday.

Dilkan loo geestay haweenkan danta yar ayaana murugo ku beeray dadka deegaanka, waxa ayna aheyd arinta dad badan ka naxeen in labada haween ee la dilay in ay ahaayeen xaamilo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay amaankeeda sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay dilalka qorsheesan iyo qaraxyada isugu jira miinooyinka wadada lagu aaso iyo qaraxyada ismiidaaminta .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -