Dowlada oo Dhagxaan Shub ah ku xirtay Isgooska Dabka ee Muqdisho (Sawirro)

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay dhagxaan shub ah ku xiray Isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii shalay halkaasi xoog uga gudbay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxeen oo ku qarxay meel ku dhaw isgooska Sayidka.

Dhagxaantan ayaa la dhigay Isgooska dabka gaar ahaan goobta loogu tala galay in gaadiidka ku kala wareegaan, waxaana dhagxaantan saameyn ku yeesheen gaadiidkii u kala gudbi jiray dhinaca Waabari iyo Bakaaraha.

Gaadiidka isticmaala laamiga makak Al Mukarama ayeyna ku adkaaneysaa in ay u leexdaan Dhinaca Bakaaraha ama dhinaca dalcada Waabari, waxaana laga cabsi qabaa in talaabadan saameyn badan ku yeelato wadada oo markii hore aheyd mid saxmad badan.

Wadadan dhagxaanta la dhigay ayaa kusoo aadeysa xili dowlada horey dhagxaanta uga qaaday qaar kamid ah Wadooyinkii hore loo dhigay, lamana oga waxa ay xaalada amaan ka bedeli karto wadadan cusub ee dhagxaanta lagu jaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -