Masuul katirsan Aqalka Cad ee Mareykanka oo is casilay kadib Hanjabaad uu geestay

Masuul sare oo katirsan Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa is casilay kadib markii lagu eedeeyay in uu u hanjabay Gabar Wariye ah oo dooneysay in ay wax ka weediiso warar la isla dhax marayay.

Ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, TJ Ducklo, ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay, maalin kadib markii laga joojiyay shaqada kadib markii uu u hanjabay Gabar Wariye ah oo lagu magacaabo.

TJ Ducklo, ayaa la sheegay in gabadha Wariyaha ugu hanjabay in nolosheeda baabi’in doono kadib markii ay baaritaan ku bilowday xiriirka kala dhaxeeya gabar Wariye ah oo kasoo warami jirtay Ololaha doorashada ee Madaxweyne Joe Biden.

Warbaahinta Vanity Fair ayaa ku warantay Ducklo ii wacay gabadha wariyaha kaddibna ugu hanjabay in uu baabi’in doono nolosheeda, waxa uu sidoo kale kula hadlay gabadhaasi hadallo sharaf dhac ah iyo bahdil ahaa.

Bayaan uu soo saaray Ku-xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, TJ Ducklo, ayuu ku cadeeyay in uu shaqada iska casilay, waxa uuna sheegay in uu adeegsaday luuqad aan habboonayn.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa horey wacad ugu maray inuu shaqada ka eryi doono qof kastaa oo ka tirsan maamulkiisa oo qof kale oo ay wada shaqeynayaan ula dhaqmo ixtiraam darro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -