Jubbaland oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka Doorashada Soomaaliya

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa shuruudo adag ku xiray in ay ka qeyb galaan doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee la filayo in dhawaan maamul goboleedyada dalka in ay ka dhacaan.

Wasiirka warfaafinta ee Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa beeniyay eedeymo uga yimid dowlada federaalka oo ahaa in iyagu sabab u ahaayeen bur burka shirkii ka socday Dhuusomareeb.

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Jubaland

Wasiirka Warfaafinta  ayaa sidoo kale shuruudo ku xiray in maamulkooda ka qeyb galaan doorashada, waxa uuna sheegay in Jubbaland wax doorasho ah oo ka dhaceysa aysan jiri doonin hadii aan Gedo oo dhan gacantooda lasoo galin lagana saarin ciidamada DF geesay.

“Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.” ayuu yiri Wasiirka.

Shuruudahan maamulka Jubbaland ku xiray ka qeyb galka doorashada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday mar kale iclaamiyay shir kale oo looga hadlayo arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -