Xaalada Siyaasadeed ee dalka, dhibka doorashada ka taagan iyo xalka looga bixi karo !

Soomaaliya waxa ay gashay xaalad adag oo u baahan in caqli iyo wadajir lagaga baxo , sababta oo ah waxa mar qudha mudooyinkii kawada dhamaadeen goleyaashii xeer dejinta aqalka sare iyo aqalka hoose oo bishii December mudo xileedkoodu ku ekaa iyo Madaxwaynaha oo mudo xileedkiisu ku ekaa bishan Feb 8, isaga oo aan wax doorasho ahi socon sidoo kale aanu jirin heshiis siyaasadeed la isla ogol yahay.

WAA MAXAY SABABTA AY DOORASHO U DHICI WAYDAY ? 

Waa halka u baahan in la isla fahmo, doorashada Somalia waxa ay u dhici wayday khilaaf ka jiray nooca doorashada ee la qaadanayo oo ay ahayd in doorasho qof iyo cod ah la galo sanadkan sidii lagu heshiiyey 2016 , dawlada joogtaa waxa ay sameysay sharciyadii iyo qaabkii ay u dhici lahayd laakiin waxa isweydiin iyo layaab ahayd doorashada qofka iyo codka ahi halkee ay ka dhacaysaa maadaama aanay dawlada federalka Somalia gacanta kuwada hayn dalka.

Waa halkan halka la isla fahmi waayey, iyada oo mudo xileedkii xukuumada Madaxwayne Farmaajo mudo koobani ka hadhsan tahay ayaa ay xukuumadu ku adkaysanaysay in doorasho qof iyo cod ahi qabsoonto, waa halkii galaafatay Raisal wasaare khayre oo lahaa dalku waa in uu doorasho macquul ah aadaa inta aan mudo xileedku dhamaan.

KA DIB MAXAA LA ISLA QAATAY ?

Waxa la isla qaatay maadaama aanay suuragal aheyn doorasho qof iyo cod ahi in doorasho dad ban la galo oo noocii hore oo kala ah , kaliya waxa wax laga badelay tirada ergada wax dooranaysa iyo goobaha wax lagu dooranayo qaybo ka mid ah .

Halkani waxa ka jira khilaaf kale maadaama ay maamul goboleedyadu wax ku leeyihiin soo xulista gudiyada doorashada iyo ergooyinka wax dooranaya oo aanay waliba Xukuumada federalka iyo maamulada qaar na isku San banaanayn waxa bilaabmay murug Xoog leh iyo farogalin sababta oo ah Madaxwaynaha oo sharaxan iyo xukuumada oo rabta in ay soo noqoto.

Sidoo kale waxa la isku haystaa xubnaha ay xukuumadu soo xushay in aanay noqon karin qaar dhex ah oo umada u garsoori kara maadaama ay ku jiraan xubno xukuumada shaqaale u ahaa iyo qaar ciidan u ahaaba.

DHIBAATOOYINKU HALKEE AY KA TAAGAN YIHIIN ? 

Dhibta ugu weyn ee jamhuuriyada federalka Somalia haysataa waa nidaamka federalka ee ay qaadatay kaasi oo dalkii kala wada madax baneeyey dawladii dhexena wiiqay oo talaabo kasta oo la qaado la isku qabsanayo.

Magaca loo bixiyey ayaa tusaale kuugu filan dawladaha xubnaha ka ah dawlada federalka, xataa gobolada lama odhan , waxa aan qabaa in ay tahay qaladaad sharci oo la galay una baahan in dastuurka dambe la saxo, sidoo kale wax la iska weydiiyo nidaamka siyaasadeed ee federalka ahi somalia ma ku haboon yahay?

XAL HADA MA LOO HELI KARAA KHILAAFKA TAAGAN ? 

Haa waa loo heli karaa xal , dadka Somalia siyaasada ku metelaana in ay isku yimaadaan oo ay wada hadlaan oo xal gaadhaan waa masuuliyad iyo waajibaad saaran oo ay ku qasban yihiin maadaama dani ka dhaxayso aan lagu kala tagaynin.

Doorashada masuuliyadeeda xukuumada ayaa lahayd iyada ayaana ku ceebaysan in ay doorasho qaban wayday intaasi wax shaki ah iyo mad-madaw kuma jiro , ha yeeshee doorashooyinku maadaama ay yihiin masuuliyad wadareed iyo in wax la isla ogol yahay ay noqdaan hadii dhinacyada kale diidaan ee wax la lehi waxa dhici lahaa uun laba mid ;

1- In xukuumadu Xoog ku qabato doorashooyin oo dhibtii doontaa haka timaado e ay muquuniso cidwaliba oo ka soo horjeeda oo sidaa lagu hirgaliyo rabitaankooga iyo

2- In sidan hada dhacday dhacdo oo sida loo raadinayo wax la isla ogol yahay ay wakhtiga xukuumada iyo ka goleyaasha xeer dejintuba dhamaadaan.

XALKA XAALADA TAAGAN 

Sidani oo kale waxa ay ka dhacday Somaliland oo Madaxwaynaha ayaa soo xulay xubno xisbiyahano ah oo xusbigiisa ka tirsanaa iyo xubno aan shuruudaha sharciga buuxin arintani oo murug iyo dib u dhac doorasho keentay waxa ay noqotay in xisbiyada mucaaradka ahi iska aqbalaan bal si ay doorasho uuni u dhacdo ka dib markii beesha caalamku ku talisay in lagu daro xubno aduunka ka socda iyo gudidii hore ee doorashada oo la shaqeysa gudigii markaa la isku diidanaa.

Waxa sidoo kale la yeeli karaa in dadka siyaasada ku metela iyo hawlaha doorashada oo ah maamul goboleedyada iyo xukuumada Madaxwayne Farmaajo ay isku tanaasulaan oo ama ay xukuumadu tanaasusho ama maamul goboleedyadu tanaasulaan amaba heshiis dhexe la isugu yimaado.

W/Q Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -