Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Somalia oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Golaha Musharaxiinta

Xukuumada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalo ka soo yeeray xubnaha mucaraadka oo sheegay in aysan Maxamed Cabdulahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya, maadaama uu ka dhamaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.

Maclimu ayaa intaa ku daray inuu jiro qaraar iyo xeer ay horey u soo saareen golaha shacabka kaasoo dhigaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan ilaa kuwa kale laga soo doorto.

Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda ay sameeyeen tanaasul badan oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, si xal loogu helo khilaafka ka taagan.

Maamul Goboleedyada qaarkood ayuu ku eedeeyey afhayeenku iney diidan yihiin in heshiis laga gaaro doorashada, balse Madaxda dowladda ay wadaan dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo arrintaas.

“Xilligan looma baahna in dadka Soomaaliyeed la kiciyo oo loo sheego wax dib u dhac ku keeni kara dalka, dadka waxay u baahan yihiin nabad ee uma baahna dhibaato” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Israa’iil oo cashir xanuun badan loogu dhigay xadka Lubnaan

Cabdi Cade

Dad shacab ah oo lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Xiisad cusub oo taagan

Cabdi Cade

Al Shabaab oo War kasoo saartay qarax saakay lagu dilay Suldaan Daahir Xasan Tooxoow

Cabdi Cade