Xukun Dil ah oo maanta lagu fuliyay nin Hooyadiis dil argagax lahaa u geestay

Maamulka Puntlanad ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay nin gacan ku dhiigle ahaa oo sadex bil kahor dil aad looga argagaxay u geestay Hooyadiisa.

Maxkamada Sare ee maamulka Puntland ayaana xukunka dilka ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo horey u dilay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Xaawo Jaamac Cabdulle dilkan ayaana ka dhacay deegaanka Jalam ee katirsan gobolka Nugaal.

Ninkan gacan ku dhiiglaha ayaa maxkamada sheegtay in uu qirtay dilka hooyadiis kadib muran dhax maray, waxa ayna maxkamada sheegtay in ninkan miirkiisu joogay xiligii uu dilka geesanayay.

Ehelada ninkan dilka u geestay hooyadiis ayaana sheegay in ay codsadeen in ninkan sida arxan darada ah u dilay hooyadiis in la qisaaso.

Dilal dad badan ka argaxeen oo caruur waalidkood u geesteen ayaa horey uga dhacay qeybo kamid ah dalka, waxaa sidoo kale marar badan iyana dhacay in waalidiin ay dilaan caruurtooda

- Advertisement -