Midowga Yurub oo digniin adag siiyey hogaanka DF iyo Maamul goboleedyada

Midowga Yurub ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo  muddo xileedka dastuuriga ahaa ee heyadaha DF ka dhacay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ka digay in la qabto doorashada, iyadoo aan heshiis laga gaarin khilaafka ka jira.

Josep Borrell ayaa sheegay iney muhiim  tahay in xal laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashooyinka, ayna Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada yeeshaan wadahadal deg deg ah, si xal looga gaaro muranka taagan.

“Doorasho aan heshiis lagu aheyn oo ka dhacda Soomaaliya waa aan dan ugu jirin Soomaalida. Waa muhiim in dhammaan ka qeyb galayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka” ayuu yiri Josep Borrell oo War-saxaafadeed ka soo saaray magaalada Brusells ee dalka Belgium.

Madaxda Siyaasada Somalia ayuu ugu baaqay inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Midowga Yurub oo madaxda DF uga digay inay sameeyaan muddo kororsi.

“Muranka siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waxaa looga baahan yahay inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee qatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya” ayuu sii raaciyey qoraalkiisa Josep Borrell.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -