Trump oo weli lagu dhegan yahay, & dhegeysiga dacwad loo heysto oo bilaabaneysa

Sharci-yaqaanada u doodaya Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay eedeymihii loo jeediyay ee xil ka qaadistiisa ay horey uga sameeyeen aqalka wakiilada.

Waxay sheegen in taageerayaashiisa 6 bishii Janaayo weeraray xarunta Congreska ay ahaayeen kuwa si iskood ah u sameeyay falkaasi oo uusan madaxwaynuhu sidaas amrin.

Dacwadaha loo haysto Trump ayaa lagu wadaa inay maanta ka bilaabmaan aqalka sanetka ka dib markii ay aqalka wakiilada markii labaad xil ka qaadis ku sameeyeen bishii hore.

Waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah (kicin dadwayne) ka dib khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ka hor dibadbaxa ay ku galeen aqalka congreska.

Askari ka tirsan booliiska ayaa ka mid ahaa shan qof oo dhintay ka dib markii taageerayaasha Trump ay u dhaceen dhismaha Congreska ee Capitol Hill ee Magaalada Washington.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -