Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shil noociisa aan horey loo arag oo ka dhacay jidka xiriiriya Garowe & Qardho (Sawirro)

Shil fool xun oo noociisa aan horey loo arag ayaa ka dhacay xalay tuulada Shire Dhogor-libaax, oo ku taalla xadka kala qeybiya Gobollada Nugaal iyo Karkaar

Ilaa shan gaari oo Xamuul ah ayaa lagu soo warramayaa in ay fooda is dareen xalay saqdii dhexe.

“Gaari Caga-badan ah ayaa ku dhacay saddex Waaraad iyo gaari kale oo nooca Tallaagadaha kalluunka qaada ah, waxaana ku dhintay laba ruux, halka ay ku baaba’day hanti fara badan” ayuu yiri goob jooge ku sugan Shire Dhogor-libaax

Maydka mid ka mid ah dadka dhintay ayaa hoos jira gawaarida isku dhacday midkood, waxaan socda dadaal lagu doonayo in maydka looga soo saaro gaariga hoostiisa.

Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 40-Xildhibaan oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade

Madaale oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Howlihii Xarunta dembi baarista ee CID oo muddo kooban la hakiyey & Sababta keentay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---