Maxaa lagu soo qabtay howlgal culus oo ka dhacay Magaalada Jowhar? (Sawirro)

Ciidamada Booliska Hirshabelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hrshabeelle.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Howlgalkan ujeedkiisu yahay adkeynta amniga magaalada oo ay horey uga dhaceen dilal iyo qaraxyo ay geysteen Al-shabaab.

Muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen inay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmay, kuwaasoo hadda lagu hayo saldhiga booliska magaalada si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka dalka ee loo qorsheeyey iney ka dhacaan doorashooyinka xubnaha labada gole ee DF oo illaa shaacin xiliga la qabanayo..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -