Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay in dalal shisheeye faragalin ku hayaan Doorashada dalka

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaw Xildhibaanada golaha shacabka u jeediyay Khudbad uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan shirarkii arimaha doorashooyinka.

Farmaajo ayaa khudbada uu u jeediyay Xildhibaanada golaha shacabka waxa uu inta badan uga sheekeeyay marxaladihii ay soo mareen shirarka Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ku yeesheen inta badan magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha ayaana ku eedeeyay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland in caqabad ku noqdeen in heshiis laga gaaro muranka doorashada ka jirta, waxa uuna eeda fashilalka shirarkii socday dusha ka saaray madaxda labadaasi maamul.

Khudabada Madaxweyne Farmaajo ka hor jeediyay Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayuu ku sheegay in ay jiraan wadamo shisheeye oo faragalin ku haya doorashada Soomaaliya kuwaa uu ka gaabsaday in magacyadooda shaaciyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu hadlayay marnaba aan soo hadal qaadin mudo kororsi markii hore la hadal hayay in uu doonayo, waxa uuna inta badan khudbadiisa ku eedeenayay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Khudnada Madaxweyne Farmaajo maanta kahor jeediyay Xildhibaanada golaha shacabka ayaan laheyn nuxur sidaas u badan, waxa uuna ka gaabsaday Madaxweynaha ka hadlka arimo badan oo horey loo hadal hayay in uu ka hadli doono.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -