Ciidamo ka baxay Dhuusamareeb oo gaaray B/Weyne & Xog ku aadan ujeedkooda (Sawirro)

Cutubyo ka tirsan taliska Qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dhaqaaqay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa caawa gaaray magaalada Belad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo fariisin u ah qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Dalka.

Saraakiil Sare oo ka tirsan Qeybta 21aad oo uu hogaaminayo taliyahooda C/Casiis C/llaahi (Qooje) ayna wehliyaan taliyaha Guutada 13aad G/lle C/raxmaan Moalim (Timadhere), taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee DANAB G/lle Mukhtaar Abdulle ayaa taliska qeybta 27aad kala arinsanaya sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka Al-shabaab.

Ciidamadan caawa gaaray Beladweyne ayaa qeyb ka noqonaya Howlgal balaaran oo dhowaan lagu wajahayo Degaanada Al-shabaab ka joogto Galmudug iyo Hirshabelle sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

“Waxaa bilaabanaya qorshaha isku xirka qeybaha Xoogga dalka kaasoo saldhig u ah nidaamka ciidan ee fududeynaya in la fuliyo Howlgalo Dhameystiran oo dhabarka ka jebin doona Dhagarta cadowga Al-Shabaab” ayuu yiri taliyaha qeybta 21aad.

Al-shabaab ayaa maamulo degmooyin iyo degaano badan oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaasoo qaarkood ay gacanta ku hayaan muddo dheer oo ka badan 10 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -