Senataro laga saaray kulanka uu Baarlamaanka ku hartagayo Farmaajo iyo Sababta keentay

Waxaa goordhaw lagu wadaa in Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu hortago Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu khudbad uu uga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka uga jeediyo.

Kulanka uu markii hore codsaday Madaxweyne Farmaajo in ay kasoo qeyb galaan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, hasa ahaatee gudoonka aqalka sare ayaa sheegay in uusan jirin kulan lagu soo wargaliyay.

Sida aan wararka ku helnay xarunta Villa Hargeysa uu kulanka ka dhacayo ay tageen qaar kamid ah Senetarada taageersan Madaxweyne Farmaajo oo dhagaha ka fureestay amarka Gudoomiyaha aqalka sare ayaa hada lasoo sheegayaa in kulanka laga saaray.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa ku amray Xildhibaanada aqalka sare in ay isaga axaan fadhiga uuna kulanka ku kooban yahay golaha shacabka uu Madaxweynaha khudbad u jeedinayo.

Fashilka ku yimid kulanka Wadajirka ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo ayaa sabab looga dhigay in ay ka biyo diideen Gudoonka aqalka sare in ay kasoo qeyb galaan kulanka oo shaki badan laga qabo ujeedka uu Farmaajo u codsaday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -