Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Arinta Gobolka Gedo oo is faham ….

Waxaa maalintii labaad magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka socda shirka Wadatashiga madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka .

Shirka ayaa saacadihii lasoo dhaafay diirada lagu saarayay qodobo xasaasi ah ay kamid tahay khilaafka u dhaxeeya Dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland gaar ahaan xiisada ka taagan gobolka Gedo .

Madaxda Dowalada federaalka iyo madaxda maamulada ayaa wadahadalo saacado badan socday kadib isku soo dhawaansho ka gaaray arinta gobolka Gedo oo si weyn isugu hayaan Dowlada Federaalka iyo Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay arinta gobolka Gedo gaar ahaan gacan ku heynteeda iyo doorashada ka dhaceysa Garbahaarey ayaa xalinteeda loo saaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle .

Qodobada la isku fahmay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in magaalada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo la geeyo ciidamo katirsan Booliiska AMISOM sidoo kale kaalin ku yeelato Jubbaland maamulka magaaladaasi.

Shirka wadatashiga arimaha doorashada ee ka so0cda magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa wali jira qodobo kale oon wali heshiis laga gaarin halka qodobada qaarna madaxda ka gaareen isfaham hoose.

Gabo gabada shirka hadii dhinacyada Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada  ay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya la filayaa in ay soo saaraan War Murtiyeed wadajir ah oo ku aadan qodobada lagu heshiiyay

 

- Advertisement -