Midowga Musharaxiinta oo War cusub kasoo saaray shirka ka socda Dhuusomareeb

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay golaha Midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa looga hadlay shirka wadatashiga arimaha doorashada ee magaalada Dhuusomareeb uga socda Madaxda sare ee dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Golaha Midowga musharaxiinta warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in shirku yahay mid aan loo dhameyn ayna ka maqan yihiin saamileyda tabashada ka qaba ismari waaga ka taagan doorashada.

Waxa ayna Musharaxiinta sheegeen in ay rajeenayaan in qodobo lagu qanacsan yahay iyo guul kasoo baxaan shirka ka socda Dhuusomareeb, waxa ayna golaha cadeeyeen in aysan aqbali doonin in dalka xukumaan shaqsiyaad mudo xiloodkoodu dhamaaday.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Musharaxiinta kasoo baxay

- Advertisement -