Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Akhriso: Guddiga Maaliyadda Baarlamanka Somalia oo doortay hogaan cusub

Guddiga Maaliyadda Baarlamanka Soomaaliya ee dib u habeynta lagu sameeyay, isla markaana laga saaray saddexdii mas’uul ee ugu sareeyay Guddigaasi ayaa kulankoodii ugu horeeyay isla maanta yeeshay.

Waxaa lagu magacaabay kulankaas Guddoomiye, ku-xigeen iyo Xoghaye cusub oo uu yeelanayo guddigaas.

Kulanka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka waxay goor dhoweyd Guddoomiye u doorteen Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Siraaji, iyadoo guddoomiye ku-xigeen loo doortay Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan, waxaana Xoghaye laga dhigay Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Guddigan oo ay hadda u badan yihiin xildhibaannada taageerayaasha Xukuumadda ayaa inay 30-ka bishan Baarlamaanka hor keenaan Miisaaniyadda 2019, si degdeg loogu ansixiyo.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isbadal ku sameeyay Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka taasoo lagu soo afjaray murankii ka taagnaa  guddigaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qiimaha shidaalka caalamka oo sare u kacay ka dib weerarkii lagu qaaday Xuutiyiinta

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo amar siiyay ciidamada maamulka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo caawa booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---