Allbanaadir.com
NEWS

Boqolaal Soomaali ah oo ka qaxaya Magaalada Liboy iyo sababta ka dambeysa

Boqolaal qof oo ah dadka degaanka magaalada ku taalla xudduuda Kenya iyo Soomaaliya ee Liboy ayaa guryahooda isaga qaxay ka dib markii dhowr jeer oo is xig-xigta la waayay qaar ka mid ah dadka degaanka.

Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Dadab Maxamed Daahiye Ducaale oo ay magaalada Liboy ka tirsan tahay deegaankiisa ayaa sheegay in saddex qof la afduubtay bishan aanu ku guda jirno.

Waxa uu intaa ku daray in ay tuhunsan yihiin in ciidamada ammaanka ay ka dambeeyaan dadka la afduubtay ee la la’yahay.

Dr. Daahiye ayaa xusay in dadka la afduubay uu ka mid yahay nin Imaam ka ahaa Masaajidka ugu wayn magaaladaasi Liboy.

Afduubka ka dib ayuu sheegay in dadka magaalada Liboy ay arrintan ka argagaxeen isla markaana ay qaarkood magalada isaga carareen oo ay aadeen magaalada Dhoobley ee ku taalla Soomaaliya.

Xildhibaan Daahiye ayaa sheegay in arrintan ay dowladda kala hadleen balse ay saraakiisha u sheegeen in aysan ka war hayn ayna baaritaano ku sameyn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Sacuudiga oo ku dhawaaqey iney beri tahay Maalinta 1aad ee ciidul Fitriga

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow Fashilka Dowlada Kenya iyo Faragelinta Imaaraadka !!

Cabdi Cade

Ciidamada RSF oo geestay tacadiyo haweenka ka dhan ah iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---