Ra’isul Wasaare Rooble oo 9-ka bishan hortagaya Baarlamaanka iyo Ujeedka oo la shaaciyay

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in 9-ka bishan hortago Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Rooble ayaa Baarlamaanka kahor jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka Xukuumadiisa mudada 100-maalmood uu xilka hayo , waxa uuna Baarlamaanka u sheegi doonaa waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa inta uu xafiiska joogay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa mudo sadex bilood ah ay shaqeeneysay la tilmaamay in aysan qaban waxyaabihii la filayay ay kamid ahaayeen qabashada doorashada iyo sidoo kale ka shaqeynta amaanka .

Madaxweyne Farmaajo oo la tashiyo badan ka sameeyay ayaa 17-ka bishii September sanadkii tagay ee 2020-ka,wuxuu xeer madaxweyne xilka Ra’iisal wasaare Xukuumadda Federaallka ugu magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble oon horey loo aqoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -