Jabhadda Buurta Gacan-libaax ee diidan Muuse Biixi oo talaabo culus qaaday

Kooxda hubaysan ee dhawaan isku urursatay deegaanka Buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa saaka laba baabuur oo ay leedahay Hay’ada Miino-baarista ee Hello Trust ka kaxaystay magaalada Daba-gorayaale oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh.

Taliyaha qaybta booliiska ee gobolka Daad-madheedh Yaasiin Maxamuud Cabdi ayaa sheegay kooxdan ay saaka waaberigii soo weerareen degaanka.

“Markii hore waxay tageen kastamka canshuuraha degaanka waxay rabeen iney ka qaataan qasnada dowlada hase ahaatee waxba wey ka waayeen” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu intaas ku daray iney ka dib tageen saldhiga Boliska degaanka ayna qoryihii ka qaateen sadex askari oo halkaas joogtay, ayna dhaawaceen mid ka mid ah askarta.

“Intaa ka dib tageen xarun heyad ka shaqeysa miino baarista oo halkaas ku taalla, waxayna qaateen labo gaari, buurta ayeyna dib ugu laabteen” ayuu yiri taliyaha.

Jabhada Buurta Gacan libaax ayaa ka soo horjeeda hab dhaqanka siyaasadeed ee Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi oo ku guuldareystay inuu qabto doorashooyinka hogaanka maamulkaas dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

- Advertisement -